Thursday, September 25, 2008

Barackac xoogan oo maalintii 3-aad laga dareemayo xaafadaha magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafadaha Degmooyinka H/wadaag iyo Hodan ee gobolka Banaadir















Barakac Xoogan ayaa weli waxa uu kasoconayaa qeybo kamid ah Gobolka Banaadir kadib dagaaladii ugu dambeeyay ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Goobaha laga raaco gadiidka aada gobolada dalka gaar ahaan deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Sh/hoose ayaa waxaa buux dhaafiyay dadweyne aad u farabadan kuwaasi oo ka soo barakacay xaafadaha hoos taga degmooyinka Hodan iyo H/wadaag ee gobolka Banaadir kadib markii duqeeymo habeenkii 3-aad loo geysanayay xaafadahooda.

Busteejooyinka Suuqa Bakaaraha ee laga raaco gaadidka Bl-ka ah ayaa waxaa lagu arkayay dad isugu jira Dumar iyo Caruur kuwaasi oo gacmaha ku sita joodariyo iyo alaabo kale oo lagamam maarmaan u ah nolosha aadmiga kuwaasi oo ka cararay dhibaatooyinka ka jira magaalada Muqdisho gaar ahaan dagaalada iyo duqeymaha habeenkii 3-aad ka dhacayay xaafadaha Muqdisho.

Wadooyinka waaweyn iyo Xaafadaha magaalada ayaa waxaa lagu arkayay Dadka qarkood oo ay ka mid ahaayeen kuwo waayeelo ah oo lagu siday gaari dameero iyo gaari gacan kuwaasi oo aan awoodin in ay kireystaan Baabuurta waxana sidoo kale la arkayay dad lugeynaya oo caruurtooda Duudka ku sita isla markaan aan aqoonin halka ay u jeedan marka la weydiiyana kuu sheegaya in ay u socdaan meel ka nabdoon xaafadahooda.

Mid ka mid ah dadkii barakacayay ayaa waxaa ay idaacada shabelle uga warantay xaafadii ay ka barakacaday iyo halka ay u jeedo waxana ay sheegtay in gurigeeda ay uga barakeceeyso dagaalada iyo duqeymaha ka dhacaya magaalada Muqdisho isla markaana ay u socoto meel aysan uga horeyn guri ay degto iyo wax ay cunto.

Sidoo kale waxa ay xustay in ay wadato 10-caruur ah iyo joodariyadooda isla markaana aysan awoodin in ay gaadiidka kireysto oo ay ku gaarto deegaanka Ceelasha biyaha.

Iyadoo ay arintaasi jirto ayaa hadana waxaa sare u kacay qiimaha lagu raaco gaadiidka Dadweynaha waxana uu gaaray qiimo ka badan intii markii hore lagu raacayay.

Qiimaha lagu raaco gaadidka Muqdisho iyo Afgooye isaga kala goosha ayaa waxaa uu gaaray 30-kun oo shilin halka markii hore lagu raaci jiray 15-kun oo shilin Soomaali Taasi oo labo jibaar ah isla markaana aysan dadku wada awoodin.
Barakaca Dadkani ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili dadkii ku suganaa duleedka Muqdisho ee horay uga barakacay dagaalada ay ku dhibaateeysan yihiin halkaasi.
Doowo Sawirada
warka oo aan si toos ah uga soo xiganay warbaahinta shabelle ayaa waxaa muuqata in xamar qeybihii yaraana laga sii barakacayo
Ilaah ayunbaa u maqan umada somaliyee

1 comment:

  1. Wynn and Encore Casino - Mapyro
    Welcome to Wynn Las Vegas! This page contains 전라남도 출장샵 pictures of all rooms and suites. Wynn and 순천 출장마사지 Encore Las 청주 출장안마 Vegas are located in 경상북도 출장마사지 the Wynn Tower 목포 출장마사지 Suites.

    ReplyDelete